Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aayaa ku adkaysanaya in uu sii ahaan doono madaxweynaha Soomaaliya siina joogi doono xafiiska illaa inta madaxweyne kale imanayo.

Afhayeenka xukuumadda Farmaajo ayaa sheegay in Farmaajo uu ahaan doono madaxweynaha illaa madaxxweyne kale imanayo. Maxamed Macalimuu ayaa hadalada mucaaridka Soomaaliya ku tilmaamay kuwo sharci darro ah, isla markaana ay baarlamanka Soomaaliya hore u meel mariyeen in hay’adaha dawladda ay bedeli karaan oo kaliya hay’ado kale oo lasoo doortay.

Mucaaridka iyo qaar ka mid ah dawlad goboleedyada ayaa sheegay in aanay Farmaajo u aqoonsanayn madaxweyne, iyadoo weli aan la xalin khilaafaadka doorashada.

Muddo-xileedka Farmaajo ayaa ku ekaa shalay oo bishu ahayd 8 Febraayo, 2021.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga