Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda lacagta dunida ee IMF ayaa kala saxeexday heshiis qayb ka ah hannaanka dayn cafinta ee Soomaaliya.

IMF ayaa hore uga digtay in dib u dhac ku yimaada doorashada madaxtinimada Soomaaliya ay keeni doonto in uu meesha ka baxo ama dib u dhaco hannaanka dayn cafinta Soomaaliya.

Heshiis heer shaqaale ah ayay Soomaaliya iyo IMF iskula qaateen in lasii daayo lacag dhan $400 million oo muddo ku baxaysa taas oo hore loogu balan qaaday Soomaaliya, balse ay hakiyeen muranka doorashadu.

Waxa la filayaa in sanadka danbe la dhammaystiro hannaanka socda oo Soomaaliya lagaga dhaafayo adduun balaayiin doollar gaadhaya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga