Ganacsatada soo dejisa, kuwa tola iyo tafaariiqleyaasha iibiya dirayska dugsiyada, ayaa dareen cabasho ka muujiyay go’aanka ay wasaaradda waxbarashadu ku bedeshay dirayska dugsiyada Somaliland, maadaama ay Lacago badan kusoo iibsadeen oo haatan ay khasaare galaayaan, lana siiyo wakhti ku filan.

Ganacsatada ayaa sheegay inaanay diiddanayn go’aanka kasoo baxay xukuumadda, balse ay dalbanayaan in wakhti la siiyo inta ay alaabtu ka baxayso haddii kale ay ku khasaarayaan malaayiin dollarka Maraykanka ah, taasi oo halisna ku ah dhaqaalaha guud ee dalka.

Waxay sheegeen in go’aanka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada marar badan kala hadleen masuuliyiinta wasaaradda, balse aanay haba-yaraatee dhag jalaq u siin, taasina ay tahay sababta maanta horkeentay warbaahinta.

Waxay xus een in ay si hoose ula hadleen masuuliyiinta wasaaradda kahor saxaafadda intii aanay la hadal, iyaguu ku eedeeyay fahamsanaan la’aan aanay fahansanaynba habka ganacsiga iyo sida wax yihiin.

Ganacsatadan iskugu jirtay heerarka kala duwan, ayaa ugu baaqay rugta ganacsiga iyo wasaaradda ganacsiguba inay soo farogeliyaan arrintan, isla markaana madaxwaynaha ka codsaday in arrinkooda hoos loo eego.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga