Warbixin dhawaan ay sii dayn doonto Qaramada Midoobaya ayaa lagu xusay wararka tilmaamaya in ciidamo Soomaali ahi ay qayb ka ahaayeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya, halkaas oo kumanaan qof lagu xasuuqay.

Weli cadaymaha ayaa ah kuwo xadidan balse baadhitaano hor dhac ah ayaa lagu ogaaday in ay jireen ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Ereteriya oo loo qaaday dhanka Itoobiya si ay dagaalka qayb uga noqdaan.

Ciidamada Soomaalida ayay xukuumadda mudadeedu dhaamatay ee madaxweyne Farmaajo u dirtay dalka Ereteriya si ay tababar ugu qataaan.

Warbixinaha iyo baadhitaanada hor dhaca ah waxay tilmaamayaan in ciidamada qayb ka mid ah laga tallaabiyay xadka Ereteriya iyadoo xreyaha tababarka lagasoo qaaday, waxaana wehelinayay ciidamada Ereteriya.

Ciidamada Soomaalida ayaa la sheegay in ay ka dagaalameen meelo u dhaw magaalada qadiimka ah ee Aksum ee waqooyiga Itoobiya kulaalaysana xadka Ereteriya.

Ciidamada Ereteriay iyagu waxay qirteen in ay dagaalka Itoobiya qayb ka qaateen. Iyadoo kooxaha u dooda xuquuqda aadanuhu ay ogaadeen in tuulooyin badan ay cagta mariyeen ciidamada Ereteriya.

Waalidiinta qaar dhalay dhalinyada tababarka loo geeyay Ereteriya ayaa weli dalbanaya in ubadkooda meel loogu sheego, iyagoo ka waayay wax xidhiidh ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga