Gabadh yar oo u dhalatay waddanka Australia ayaa fariin qoraal ah u dirtay mulkiilaha shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg, iyadoo ka dalbatay in uu taageero lacageed u fidiyo.

Bethany Godfrey ayaa akoonkkeda caadiga ah fariinta uga dirtay Mr. Zuckerberg, waxayna u sheegtay in ay kasoo jeedo qoys danyar ah isla markaana ay leedahay riyooyin badan oo gaadhidooda ay ka hor taaganyihiin caqado u badan qaar maaliyadeed. Waxay ka codsatay in uu lacag ugu deeqo si ay uga dhabayso waxa ay jeceshahay.

Godfrey oo jirta 21 sanno ayaa ka shaqaysa habaynta timaha.

Maalmo kadib ayuu aabaheed ogaaday rejada gabadhiisa yar iyo in ay fariin u dirtay Mark Zuckerburg, wuxuuna go’aansaday in uu 1 cent ugu diro akoonkeeda isagoo magaciisa u bedelay Mark Zuck.

Waxay heshay fariinta ah waxa lacag kuusoo diray Mark Zuck, kadibna waxay sheekadeeda la wadaagtay asxaabteeda iyo qoyskeeda iyadoo u qaadan wayday in Mark Zuckerberg uu arkay fariinteeda. Goor danbe ayay ogaatay in aabaheed uu ahaa qofka lacagta u dhigay akoonkeeda, iyadoo mar kale uu dareenkeedu isbedelay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga