Gabadh hore u ahayd jilaa iyo dumarka xayasiinta dharka ku shaqaysta, taas oo magaceeda layidhaa Amy Dorris, ayaa madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ku eedaysay inuu kula kacay fal kufsi ah.

Amy Dorris oo waraysi gaar ah siisay mareegtra ”The Guardian”, ayaa sheegtay in madaxwayne Trump ay ku kulmeen New York sannadkii 1997-kii, xilligaasi oo ay la socotay nin ay saaxiibkeed,  ninkaasi oo ay Donald Trump-na saaxiib ahaayeen.

Gabadhan ayaa ka warrantay sidii uu Trump ula dhaqmay, waxaanay sheegtay inay xanuusatay isla markaana uu Trump ku tacaddiyay.

Amy Dorris waxay sheegtay in wakhtigani uu yahay wakhtigii ugu habboonaa ee ay ka hadli lahayd dhacdadan.

Qareen u hadlay madaxwayne Trump ayaa si adag u beeniyay warka kasoo yeedhay gabadhan, waxaanu ku tilmaamay waxba kama jiraan.

Ma aha markii ugu horraysay ee fadeexado noocan oo kale ahi lasoo darsaan madaxwayne Trump, weliba iyadoo lagu jiro xilli xaasaasi ah oo ay kaabiga kusoo hayso doorashada madaxwaynenimada Maraykanka, taas oo uu Trump rabo in mar kale loo doorto madaxwaynaha Maraykanka.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga