Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan ay Muqdisho ku yeesheen wasiirro ka tirsan maamullada Jubbaland iyo Puntland oo dhinac ah iyo xubnaha ugu tunka wayn beesha caalamka.

Kulanka Muqdisho ka dhacay, ayaa waxaa si gaar ah Beesha Caalamka u la yeeshay wasiiru-dawlaha maaliyadda maamulka Puntland mudane Maxamed Cabdiqaadir Cismaan iyo iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Jubbaland, Xirsi Jamac Gaani.

Dhanka beesha caalamka, ayaa kulanka waxaa u joogay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, Safiirka Maraykanka Amb, Donald Yamamoto, Safiirka UK Ben Fender iyo Safiirka Midowga Yurub ee u qaabilsan Soomaaliya, Nicolas Berlange.

Wararka ayaa sheegaya in waxyaabaha laga wada hadlay ay kamid yihiin, deeqaha adduunku ugu deeqo Soomaaliya,  kobcinta dhakhliga gudaha, dayn cafinta Soomaaliya, horumarka laga sameeyey dib u habeynta hannaanka Maaliyadda iyo arrimo kale.

Qodobada kale ee muhiimka ah ee ay labada dhinac ka wada hadleen, ayaa waxaa kamid ah arrimaha doorashada Soomaaliya.

Kulanka xubnahan ka kala socda labada maamul, ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo madaxwayneyaasha labada maamul ay ku sugan yihiin caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyagoo kulamo gaargaar ah la yeelanayay madaxda XFS iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga