Warbaahinta Muqdisho iyo kuwa caalamiga ah ayaa daabacday wararka sheegaya in saaka shan macallin lagu dilay deegaanka Raage Ceelle.

Warbaahinta Goobjoog ayaa soo xigatay guddoomiyaha Cadale kaas oo u xaqiijiyay in dhacdadani ay ka dhacday meel u dhow Raage Geelle.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay tahay ”aano-qabiil”, sidoo kale laanta afka Soomaaliga ee idaacadda codka Maraykanka ayaa werisay, inay falkan gaysteen in koox hubaysani ay fuliyeen falkan, VOA waxay sheegtay in dadka geeryooday ay ahaayeen 6 qof, kuwaas oo ku sugnaa goob qur’aan saar ah.

Arrintaasi ayaa la sheegey inay salka ku heyso arrimo aano qabiil, oo hore uga dhacday deegaanka Cadale, waxayna argagax ku abuurtey dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga