Madaxweyne Farmaajo ayaa ogolaaday dhex-dhexaadin uu waday madaxweynaha Galmudug oo ka wakiil ahaa madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Kulan saacado badan qaatay ayaa madaxweyne Qoorqoor iyo madaxweyne Farmaajo oo uu weheliyo taliyaha NISA, Fahad Yaasiin, ku dhex maray xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Kadib wada xaajood dheer madaxweyne Farmaajo wuxuu aqbalay in arinta Gedo la xaliyo doorashada ka hor, xildhibaanada Somaliland xal laga gaadho isla markaana wax ka bedel lagu sameeyo xubnaha Gudida Doorashooyinka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga