Kim Jong Un wuxuu ku dayrinayaa xaaladda uu ku suganyahay dalkiisu, isagoo shantii sanno ee lasoo dhaafay ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwii ugu xumaa abid dalkiisa.

Dhammaan qorshayaasha dhaqaale ee dawladiisu ay u dejisay Kuuriyada Waqooyi ayaa shaqayn waayay, sida ay ku warantay dawladdu.

Wuxuu iskugu yeedhay kulan dhif ah oo xisbiga madaxda uu ka yahay uu kaga arinsanayo xaaladda taagan.

“Sida ugu dhakhasaha badan ee aynu kagasoo kaban karno caqabadaha tirda badan ee ina horyaalaa waa in aynu samayno dedaal kasta oo macquul ah, si aynu u xoojino awoodeena jiritaan iyo in aynaan cid u baahan” ayuu yidhi Kim Jong Un oo ay ka warantay wakaalada wararka ee Yonhap.

Xaaladda Waqooyiga Kuuriya ayaa noqotay mid adag kadib markii dalkani uu galay go’doonkii ugu waynaa abid intii uu jiray. Wuxuu xidhay dhammaan xuduudaha dalka si ay uga badbaadaan xanuunka Covid-19 oo hadii dalkaas uu galo fashilin karta dawladda Kim Jong Un uu hogaaminayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga