Shaqaalaha gurmadka ayaa soo saaray maydka qofkii todobaad kadib markii dhulku la go’ay guryo ku yaala tuulo u dhow magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway sida ay sheegeen booliska dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya rejada laga qabo saddex qof oo weli la lahayahay in lagu heli karo nolol.

Musiibadani ayaa dhacday xilli hore maalintii Salaasada, markii guryo la burburiyay lana weeciyay boqollaal Mitir tog dhoobo ah oo ku yaalla tuulada Ask, taasi oo qiyaastii 25 Km u jirta caasimadda Oslo.

Afhayeen u hadlay booliska Norway, ayaa u sheegay warbaahinta rejada laga qabo helista dad ka badbaaday dhul go’an, waxaanu xusay rejada ay ka qabaan sii socoshada hawl-galka samata-bixinta ah.

Intii lagu guda jiray booqashada qoyska reer boqor ee maalintii Axaddii, boqor Herald-ka Norway wuxuu ugu yeedhay musiibadan, inay tahay mid aad looga xumaado isla markaana aad u xun, isaogoo sheegay inay adagtahay in ereyo lagu cabbiro musiibada dhacday.

Boolisku waxay xaqiijiyeen maalintii Sabtidii, in qofkii ugu horreeyay la helay Jimcihii, kaasi oo ay da’diisu jirtay 31 sanno jir Eirik Gronolen.

Boolisku weli may faafin aqoonsiyada dadka kale ee geeryooday illaa hadda, balse waxaa la daabacay Jimcihii, magacyada dhammaan 8 qof, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen carruur laba sanno iyo 13 sanno jir kala ahaa.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhaawacmay dhul go’an, kuwaas oo midkood ku sugan yahay xaalad halis ah loona qaaday magaalada Oslo ee caasimadda Norway si halkaas loogu daaweeyo.

Illaa 1000 qof ayaa laga daad-gureeyay goobta shilku ka dhacay, iyadoo tirada guud dadka halkaasi degannaana ay yihiin illaa 5,000 oo qof, cabsi laga qabo in mar kale dhulku dadka la go’o.

Eyda wax urisa, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyeyaasha lahayn ayaa wada baadhitaannada iyagoo baadi-goobaya dad lagu helo nolol ama geeri iyagoo sidoo kale qodaya godad hoose.

Khuburadu waxa ku warramaysaa in bilowgii hore musiibadu ay ahayd dhoobo go’day 300-800 Mitir, taasi oo ah dhacdooyin mar walba ka dhaca dalalka Norway iyo Sweden, balse raysal-wasaaraha dalka Norway Erna Solberg, waxay tan ku tilmaamatay mid kamid ah dhul-go’yadii ugu waynaa ee Norway soo mara.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga