Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa khadka telefoonka kuwada hadlay saacdihii lasoo dhaafay, siada ay xaqiijisay madaxtooyarada Soomaaliya.

War kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yidhi ” Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka kuwa wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.”

Wada hadalka labada madaxweyne ayaa imanaya xili ay labada dawladood hadalo kulul iyo eedaymo hawada isu marinayeen todobaadkii lasoo dhaafay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga