Dawladda Kenya ayaa dawladda ay jaarka yihiin ee Soomaaliya ku eedaysay in ay fara-galin ku hayso dalkeeda, iyadoo u sababaysay arimaha xadka.

Kulan uu gudoominayay madaxweyne Uhuru Kenyatta ayay Kenya ku sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay xad-gudub ku sameeyeen madaxbanaanida dalka Kenya, kadib markii ay u tallaabeen dhanka xadka Kenya, waa sida ay dawladdu hadalka u dhigtaye.

Kenya waxay xustay in 2-dii bishan March ay ciidamada Soomaaliya gudaha u galeen dalkeeda, taasina ay tahay ‘arin carqaladaynaysa madaxbanaanideeda.’

Eedaynta Kenya ayaa imanaysa todobaad kadib markii ay dawladda Soomaaliya uga digtay Kenya faro-galin ay sheegtay in ay ku hayso gudaha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga