Dawladda Sucuudi Carabiya ayaa si kumeel gaadh ah u mamnuucday cumradii ay shacabku Sucuudigu kusoo cumraysan lahaayeen masaajidka Xamarka, si loo xakameeyo faafidda cudurka Coronavirus sida uu sheegay Sucuudigu.

Wasaaradda arrimaha gudaha boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in muwaadiniinta Sucuudiga laga mamnuucay cumrada, balse ay tahay mid muddo kooban ah.

Hore ayuu Sucuudigu u mamnuucay dadka ka imanaya dibadda Sucuudiga, kuwaas oo u imanaya Cumrada, si looga hortago loona xakameeyo cudurka Coronavirus, kaasoo ku fidaya meelo kamid ah dalalka adduunka.

Goobaha ay dawladda Sucuudigu joojisay booqashadooda, ayaa waxaa kamid ah masaajidka nebiga ee magaalada Madiina, waxay ahayd uun maalitii Isniintii markii Sucuudigu uu shaaciyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona ah gudaha dalkeeda, qofkaas oo u dhashay Sucuudiga balse kasoo laabtay dalka Iiran.

Malaayiin Muslimiin ah, ayaa ka walaacay go’aanka dawladda Sucuudi Carabiya, iyagoo muslimiintu booqday magaalooyinka Makka iyo Madiinah ee barakaysan si ay ugu soo cumraystaan una soo booqdaan goobaha barakaysan, kuwaas oo Sucuudiga aad ugu safra bilaha Rabadaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga