Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday iyo raysalwasaaraha xil gaadhsiinta ayaa mar kale loo kala dab qaadayaa, kadib dedaalo ka bilowday magaalada Muqdisho.

Farmaajo iyo Rooble ayaa sii kala fogaanayay maalmihii lasoo dhaafay iyagoo isku haya awoodda iyo cidda iska leh magacaabidda iyo shaqo ka caydhinta saraakiil ay isku qabteen.

Koox iskugu jirta wasiiro, madaxewynaha maamulka Galmudugu iyo sidoo kale gudoomiyaha baarlamanka fedraalka ee mudadiisu dhamamatay ayaa hor kacaya dedaalada lagu heshiisiinayo labada masuul.

Illaa hadda lama oga waxa kasoo baxay kulamada dhinacyada xili ay la kulmeen Farmaajo iyo Rooble labadaba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga