Magaalada Hargeysa waxa xalay ka dhacday tuugo nooceedu uu ku cusubyahay shacabka magaalada Hargeysa iyo suuqa ugu wayn magaalada oo loo yaqaano Waaheen.

Saqdii dheex ee xalay goor ku beegan 1-dii habeenimo ayay koox budhcad ahi jabsadeen bakhaar ku yaala suuqa Waaheen, balse qaabka ay u jabsadeen ayay dad badani la yaabeen iyagoo soo jabiyay gidaarka bakhaarka kadibna hoosta kasoo galay dhismaha uu ku yaalay.

Arintan ayay dad badani ku macneeyeen in ay dhalinyarada tuugada gaysatay ay ka arkeen meelo kale, kana mid yihiin aflaamta ay Soomaalidu ku xidhantahay.

Taxanaha Money Heist ee dalka Isbaanishka ayay ku jiraan xalqado tuugo ah oo u eg qaabka xalay loo jabsaday bakhaarka ama dukaanka ku yaalay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Dadka Soomaalida, gaar ahaan, dhalinyarada danbe ayaa aad ula socda taxanaha Money Heist, iyadoo ay halis ku tahay bulshada hadii ay dhalinyaradu isku dayaan in ay soo waaridaan dhaqanada aan wanaagsanayn ee ku jira taxanahaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga