Muwaadin Soomaali ah ayaa xalay dablay hubaysani  ay ku dishay dalka Koonfur Afrika iyadoo weli aan la helin kooxaha weerarka ka danbeeyay.

AHU waxa lagu magacaabi jiray Mahad Dheere waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa dhalinyarada ganacsiyada ku leh dalkaas.

Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegaya in ay ku raad joogaan kooxaha ka danbeeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed, balse Koonfur Afrika ayaa ay kusoo noqnoqdeen dilalka dadka Soomaalida ah ee weerarada qorshaysan lagu qaadayaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga