Soomaaliya iyo Kiiniya ayaa dib usoo celinaya xidhiidhkoodii diblomaasiyadeed, kadib kulan ay hogaamiyayashoodu ku yeesheen magaalada Newyork ee dalka Maraykanka.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay madaxweynaha dalka Masar ayay labada madaxweyne isla qaateen in dib loosoo celiyo xidhiidhkii ka dhexeeyay, isla markaana la dhiso guddi laba geesood ah oo ka shaqeeya fulinta qodobada lagu heshiiyay.

Soomaaliya waxay diiday in kiiska dhanka badda laga soo saaro maxkamadda ICJ, iyadoo xustay in aan marnaba gorgortan laga gali karin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga