Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay balanqaaday in ay dib-udhis ku samayn doonaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyada oo la balaadhin doono garoonka. Arintana ayaa timi kadib markii wafti ka socday dawladda Imaaraadka Carabtu ay bookhasho ku tageen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee maamulka Puntland. Waxay indha-indhayn ku sameeyeen dhamaan qaybaha garoonku uu ka koobanyahay.
Maamulka Puntland ayaa rejo wanaagsan ka qaba in garoonka magaalo xeebeedka Boosaaso uu ka mid noqdo kuwa ugu wanaagsan gobolka, sida uu sheegay wasiirka duulista iyo madaarada ee dawlad goboleedka Puntland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga