Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada, ayaa lagu arkay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo xidhan dhar caadi ah muraayad madow iyo koofiyad dheer, kaasoo la taagan laba nin oo midkood geeljire geel la jooga.

Muuqaalka, ayaa lagu dhex qoray qoraallo, uu lagu sheegay inay Somaliland tahay dal xasilooni iyo nabadgeliyo ka jirto, taasoo xitaa madaxwaynuhu uu si caadi ah iskaga socon karo meelaha magaalooyinka aadka uga fogfog iyo miyiga.

 

Muuqaalkan, ayaa lagu arkayay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, oo waydiinaya carruur yaryar cidda adhigii raacday iyo isagoo si kaftan ah ugu sheegay in aanu dadka kale madaxiisu ku waynayn, kadibna si quman usoo eegay muuqaalka ugana warramaya nabadgeliyada dalka ka jirta.

Nabadgeliyada Somaliland ka jirta, ayaa soo jiidatay indhaha bulshada caalamka, taasoo shacabka reer Somaliland ay ammaan iyo sumcad kaga heleen adduunka

 

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga