Dawladda Faransiiska ayaa maanta ka baxday wada hadal ay la lahayd dawladda Ingiriiska, kaas oo ahaa dhanka difaaca iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex taagan.

Wasiirka Difaaca ee Paris ayaa qaadacay kulan ay la lahayd dhigeeda UK, taas oo sii murgin karta xal u helida muranka dhanka difaaca.

Faransiiska ayaa ka cadhaysan heshiis ay saxeexday dawladda Australia, kaas oo ay la galeen dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka. Heshiiska ayaa Australia lagu siinayaa maraakiibta quusta ee Maraykanka, taas oo meesha ka saaraysa heshiisyo uu hore Faransiisku ula galay Australia.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga