Raysalwasaaraha xil-gaadhsiinta dawladda Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kulan saacado qaatay ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka labada masuul ayaa lagu sheegay mid midho dhalay oo la isku afgartay, kadib muddo ay kala shakisanaayeen labada masuul.

Raysalwasaare Rooble ayaa Qoorqoor u arkayay in aanu dhex ka ahayn dhexdhexaadintii khilaafka ka dhexeeyay isaga iyo Farmaajo, taas oo keentay kala-aragti duwanaansho soo kala dhex galay.

Rooble iyo Qoorqoor ayaa isku af gartay in la xaliyo shakiga ka dhex taagnaa, isla markaana loo dhaqaaqo tallaabada xigta ee xal-raadinta arimaha taagan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga