Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa dib ugu laabtay magaalada Jabuuti ee caasimadda Jabuuti, kadib warar been abuur ah oo laga faafiyay.

Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku maqnaa dalka Faransiiska halkaas oo uu u joogay booqasho gaar ah, iyadoo wararka laga faafiyay lagu sheegay in dhakhtar uu u tagay Faransiiska.

Madaxtooyada Jabuuti ayaa hore u beenisay wararka laga sheegay Geele, iyadoo ku warantay in fasax gaaban uu madaxweynuhu u baxay maadaama Xagaagii aanu ka tagin dalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga