Dawladda Eritrea ayaa qiratay in ciidankeedu uu ku sugan yahay gobolka Tigrey ee dalkaasi, arrintani ayaa kusoo beegmaysa markii madaxa gargaarka qaramada midoobay uu sheegay inaanay jirin raadad muujinaya in ciidanka Eritrea ka baxeen gobolkaasi.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa hore u beeniyay in ciidanka Eritrea ku sugan yihiin gobolkaasi, balse raysal-wasaare Abiy ayaa hore u qiray in ciidanku ku sugan yihiin halkaas, waxaanu ballan-qaaday inay ka bixi doonaan.

Waa markii ugu horraysay ee ay Eritrea qirato in ciidankeedu ku sugan yihiin gobolka Tigrey, waxaana sidaas lagu caddeeyay warqad loo diray golaha ammaanka qaramada midoobay.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga