Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya xaaladda gobolka Tigryga ee dalka Itoobiya iyo tacadiayda tirada badan ee gobolka lagasoo sheegayo kuwaas oo ay gaysteen ciidamada Itoobiya iyo milatariga Ereteriya oo gobolka ka dagaalamay mudadii uu socday duullaanka Abiy Axmed uu ku qaaday gobolka.

Kulanka maanta ee Golaha Ammaanka waxa dalbatay dawladda Maraykanka kadib dagaalo gobolka kasoo cusboonaaday iyo ukuumadda federaalka Itobiya oo la sheegayo in aanay waxba ka qaban tacadiayda ay gaysteen ciidamadeedu.

Hore wuxuu Golaha Ammaanku ugu fashilmay in uu mawqif uga qaato dagaalka ka socda gobolka Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya.

Kumanaan qof ayaa la xasuuqay oo haween iyo caruuri ay ku jirto, dumar tiro badan ayaa la faro xumeeyay iyadoo hal milyan oo qof ay ka firxadeen guryahooda kadib colaadda gobolka.

Hay’ada Amnesty International ayaa war ay maanta soo saartay waxay ku sheegtay in ay baadhitaan ku ogaatay in ciidamada Ereteriya ay shacab laayeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga