Erdogan wuxuu booqsho lama filaan ah ku tagay masaajidka wayn ee Haiga Sophia oo dhawaan uun laga bedelay madxaf kadibna masaajid laga dhigay.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Erdogan, ayaa hore bayaan ugasoo saaray in madxafka loo bedelo masaajid waxaana ansixisay maxkamadda sare ee dalka Turkiga, iyadoo si sharci ah masaajidka loo dhigay hadda.

Sawiro ay baahisay madaxtooyada Turkigu ayaa lagu arkay Erdogan oo soo indha indheeyay hawlaha dib u cusoonaysiinta iyo nashqadaynta masaajidka.

Afhayeenka madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in astaamaha diinta kiristanka oo gidaarada masaajidka ka muuqda dib loogu xardhi doono farshaxanka muslimka.

In ka badan 500 oo muslimiin ah ayaa maalinta Jimcaha qorshaynaya in ay ku tukadaan masaajidkan.

Waa riyo ay 85 sanno muddo ka badan sugayeen muslimiinta Turkigu, kadib markii 1935-kii masaajidkan laga dhigay madxad. 537-kii ayaa la dhisay Hagia Sophia, waa casrigii roomaaniyiinta. Sanadkii 1453-kii ayay dawladdii Cusmaaniyiintu masaajid ka dhigtay. Waa goob ay malaayiin dalxiisayaal ahi sanad walba yimaadaan, waxayna hay’adda UNESCO u aqoonsantahay boqcad ka mid ah dhaxalka dunida.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga