Wakaaladda wararka Sucuudiga ee SPA, ayaa sheegtay in boqorkii dalkaasi boqor Salmaan Binu Cabdicasiis Ala Sacuud la dhigay cisbitaal ku yaalla magaalada Riyaad kadib markii ay gubtay kaadidu.

Wakaaladda wararka Sucuudigu may bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan caafimaadka boqorka.

Wiilkiisa Maxamed Binu Salmaan, oo ah dhaxal-sugaha boqortooyada, ayaa hore loo sheegi jiray inuu isagu maamulo dalkaasi, kaasi oo dhallinyarada Sucuudiga taageero kaga helay furfurista dalkaasi, inkasta oo uu la kulmay dhaleecayno xoog leh oo la xidhiidha cabudhin iyo dilkii weriye Jamaal Khaajuqji.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga