Madaxweynaha Maraykanka ayaa markii ugu horaysya si cad u diiday in uu ka jawaabo in uu aqabalyo natiijada doorashada madaxtinimada ee bisha November ka dhacaysa dalka Maraykanka.

Donald Trump oo talafishanka FOXNEWS waraysi siiyay ayaa xusay in aanu wakhtigan diyaar u ahayn in uu ka jaawo su’aashaas.

“Ma odhanayo haa, mana odhanayo maya, manaan dhamaysan wakhtigii” ayuu yidhi Trump oo ka jawaabayay in uu aqabalayo natiijada doorashada.

Sanadkii 2016-kii ka hor doorashadii muranka dhalisay ee Trump uu kusoo baxay, wuxuu wakhtigaas duray natiijada doorashada kasoo bixi karta.

Saadaalinta ay sameeyeen ururo badan oo Maraykanka ah ayaa tilmaamaysa in murashaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu codaynta kaga horeeyo Trump, kadib xog ururin ay sameeyeen. Donald Trump wuxuu duray oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay saadaalintaas.

Ololaha Joe Biden oo ka jawaabay hadalada Trump waxa qoraal ay soo saareen ay ku yidhaahdeen “dadka reer Maraykan ayaa go’aansandoona doorashadan, dawladda Maraykankuna waxay si buuxda u awoodaa in kuwa aan sharciga u haysan ay dabada ka dhigto Aqalka Cad.”

Madaxweyne Trump ayaa ka cabsi qaba in uu waayo doorashada sadexda bilood ay inaga xigaan, isagoo la kulmay fadeexado badan oo dhaawac u gaystay sumcadiisa iyo suurtagalnimada uu xafiiska ugusoo noqon karo mar kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga