Muslimiin malaayiin ah ayaa u guuray dalalka galbeedka adduunyada oo badankoodu ah kuwo ka dhaqan iyo diinba duwan, halka ay qaar kale oo ah iyagu dadkii u dhashay dalalkaasina ay qaateen diinteenna suubban ee Islaamka.

Inkasta oo muslimiinta kunool dalalka Yurub, waqooyiga Ameerika iyo Austeralia ay si xor ah Alle u caabudaan, ayaa haddana waxaa jira caqabado haysta oo ay kamid yihiin inaan loo ogolayn in uu dibadda u baxo eedaanka salaaduhu amaba uu dhaafo derbiyada masaajidda, taas oo ay muslimiin badani in badan naawilayeen inay mar uun arkaan, inkasta oo masaajiddo cayiman aadna u tiro yar eedaanka dibadda laga ogolaa dalalkaas qaar.

Tan iyo intii uu adduunyada ka dillaacay xanuunka Coronavirus, ayaa waxaa isbedelay wax badan, waxaana kamid ah in muslimiinta kunool dalalka galbeedka loo ogolaado in masaajiddu eedaanka baahiyaan.

Goobaha cibaadada ee dalka UK ayaa la xidhay 23 bishii March ee sannadkan 2020 si loo xakameeyo faafista xanuunka Covid-19, balse idaacadda BBC-da ayaa markii ugu horraysay bilowday baahinta eedaanka.

Maraykanka, ayaa markii ugu horraysay waxaa laga ogolaaday in eedaanka shanta salaadood cod dheer lagu baahiyo inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadaan, maadaama cabsida xanuunka Coronavirus laga qabo badan tahay dadkuna guryaha kujiraan, taasi oo ay muslimiintu si wayn usoo dhaweeyeen.

Dalka Kanada, masaajiddo ku yaalla gaar ahaan gobollada lakala yidhaa Alberta iyo Halfax ee gobolka Nova Scotia, ayaa iyana laga ogolaaday in eedaanka salaadaha cod sare lagu baahiyo, halka muuqaallo baraha bulshada si wayn loogu faafiyayna ay muujinayeen masaajiddo ku yaalla magaalada London ee caasimadda Ingriiska masaajidda oo cod sare ku eedaamaysa.

Isku soo wada duuboo ogolaanshaha loo ogolaaday muslimiinta eedaanka oo kor loo dallaco dalalka galbeedka, ayaa muujinaysa qirista la qirayo inay bulshooyinka muslimiinta ahi yihiin qayb kamid ah dalalka galbeedka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga