Guud ahaan adduunka tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, ayaa kor u dhaaftay 3, 682, 968 qof adduunka oo dhan.

In ka badan 258,000 oo qof ayaa u geeryooday Coronaha, halka ay kasoo kabteen dad ka badan 1,200,000 oo qof.

Dalka Maraykanka, ayaa Coronavirus laga helay dad ka badan 1.2 Milyan, halkaas oo ay u geeryoodeen tiro ka badan 72,000 oo qof.

Magaalada New york oo keliya, ayaa waxaa ku geeryooday dad ka badan 25, 124 qof, halka ay kasoo kabteen 58,950 ruux.

Dalalka Spain, Talyaaniga iyo UK ayaa kusoo xiga Maraykanka marka ay noqoto tirada dadka u dhintay iyo kuwa uu ku dhacay xanuunkuba.

Dalka Shiinaha, ardaydii magaalada Wuhan oo ahayd halkii uu xanuunku kasoo bilaabmay, ayaa waxaa ay dib ugu laabteen dugsiyadii.

Somaliland waxay xaqiijisay in la helay 3 qof oo cusub halka uu qofkii labaad u geeryooday xanuunka, halka ay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya sheegtay in tirada dadka uu ku dhacay Corona ay gaadhay 835 qof iyadoo dhimashaduna ay gaadhay 38 halka dadka ka kabtay marayaan Soomaaliya 75 qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga