Warar ay qortay warbaahinta caalamku ayaa sheegay in aqalka cad ee dalka Maraykanku uu qorshaynayo kala dirista guddida la tacaallidda xanuunka Covid-19 ee dalkaasi xilli uu Maraykanku yahay dalka ugu daran ee uu sida wayn u saameeyay Fayraska Coronavirus.

Madaxwayne Donald iyo maamulkiisa ayaa wajahaya eedaymo culus oo la xidhiidha kahortagga iyo u diyaargarowga xanuunka Covid-19, iyadoo 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay dalkaasi ay ugu geeryoodeen Corona in ka badan 2,300 oo qof.

Madaxwayne Trump ayaa mar uu booqanayay warshad lagu sameeyo waxa afka iyo sanka lagu daboosho ee Face Masks-ka layidhaa, taas oo ku taalla gobolka Arizona, ayuu Mr. Trump waxaa uu sheegay inuu dib usoo celin doono dalka Maraykanka, xilli dhaqaalihii dalkaasi aad hoos ugu dhacay.

Maraykanka, ayaa aad looga werwersan yahay faafista xanuunkan, iyadoo saraakiisha dhanka caafimaadkuna si wayn walaac uga muujiyay in dib loo furo goobihii ganacsiyada yaryar, taas oo sii kordhin karta faafista xanuunka dalkaasi oo uu Corona ku dhacay in ka badan 1.2 Milyan oo qof, halka ay u geeryoodeen tiro ka badan 70,000 oo ruux.

Madaxwayne Trump ayaa sheegay in guddida la tacaallida Corona ay qabatay shaqo wanaagsan, balse ay tahay in imika qorshe kale la yeelo, gobollo badan oo Maraykanka ku yaalla ayaa dib loo furay goobihii ganacsiyada yaryar, iyadoo aqalka cad ee Maraykankuna iska dhego marinaya khataraha caafimaad ee kasoo baxaya saraakiisha dhanka caafimaadka io haayadaha ku shaqada leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga