Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in Allah unaxariistee ay saaka  gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyootay Drs Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo kamid aheyd dhakhaatiirta ugu caansan Muqdisho iyo Soomaaliya.

Allah ha u naxariistee marxuumad Drs. Xaawa Cabdi Dhiblaawe, ayaa u geeryootay xanuun kusoo booddo ah, kadib markii loola cararay goob caafimaadna ay halkaasi ku geeryootay.

Xaawa Cabdi ayaa si wayn loogu xasuusan doonaa kaalintii ay kaga jirtay caafimaadka Soomaaliya, iyadoo muddo dheer dadka danyarta ah caawin jirtay.

Waxay wax kusoo bartay dalka Ruushka, waxaanay si gaar ah ugu shaqo lahayd xanuunnada haweenka.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga