In ka badan 100 qof ayaa laga tiriyay dadka dhimashadooda la xaqiijiyay kadib qarax ka dhacay magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lebanon, waxaana la la’yahay dad badan. Dhaawaca ayaa kor u dhaafaya 4,000 oo qof.
Madaxweyne Michel Nacim Cawl, hogaamiyaha Lebonan, wuxuu qaraxa ku canaantay maarayn la’aan lagu sameeyay aag kimikada lagu kaydiyo. 2,750 tonne oo ah walaxda ammoniun nitrate ayaa lagu kaydinayay hangar wayn oo goobta ku yaalay iyadoo aan badqabkiisa la hubin muddo ka badan lix sanno.
Waxa loo aanaynayaa in qaraxa ay keentay arintaasi.
Maanta oo Arbaca ah ayay iskugu yimaadeen kulan dedgeg ah Golaha Wasiiradu. Madaxweynaha ayaa shaaciyay labada todobaad oo dalku uu baroor-diiq gali doono.
In ka badan $60 million oo gargaar degdeg ah ayay dawladdu wax kaga qaban doontaa mashaqada fiidkii Salaasada ka dhacday Beyruut.