Qaraxa ka dhacay dekadda magaalada Bayruut ee caasimadda dalka Lebnaan, ayaa madaxwaynaha dalka Lebnaan Mishaal Cawn, waxaa uu sheegay in tiro ka badan 2, 750 tonn oo ah maadamada Ammonium Nitrate si aan ka taxadar iyo badqab ahayn ah loogu kaydiyay qolal muddo buu yidhi 6 sanno ah.

Masuuliyiinta dalkaasi, ayaa sheegay in baadhitaanno hordhac ahi caddeeyeen sababta qaraxani inay ahayd maadadaasi Ammonium Nitrate ee sida aan habboonayn loo kaydiyay, taasi oo uu ka dhashay qaraxan aan ula kaca ahayn.

Cisbitaallada dalkaasi, ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawaca dadka, iyadoo ay ku guryo beeleen dad ka badan 300,000 oo qof.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga