Dawlada kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedeyn dhawaan uga timid dowladda jabuuti, taasoo salka ku heysa loollanka ay labada waddan ugu jiraan xubin ka noqoshada golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

Jabuuti ayaa todobaadkii  lasoo dhaafay kenya ku tilmaantay waddan aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, iyadoo tusaale usoo qaadatay khilaafka dhinaca badda ee kala dhaxeeya soomaaliya.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka kenya aadan bare ducale oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka soomaliga ee bbc-da   ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii ka soo yeedhay  wasiirka arimaha dibeda ee jabuuti ee uu ku  sheegay in kenya aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka.

Waa mid  nasiib darro ah, waa mid khalad ah, sababtoo ah kenya ilaa markii ay  xornimada qaadatay waxay ahayd waddan ka shaqeeya nabadda iyo xasiloonid”Ayuu Yidhi Aadan Barre Ducale

Sido kalena waxaa uu tilmaamey in kenya ay ka qeyb qadatay nabadaynta iyo heshiisinta wadamo badan oo afrikan ah waxa kale oo uu inta sii raciyey in ay kenya  qeyb ka tahay wadamada sida adag ula dagalamayaa kooxa argagixiisada ah

Ugu dembeyntiina waxaa ugu baqaay dawlada jabuuti in ay  ku ixtiraamto kenya kursiga ay ku matalayso

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga