Isu-imaatinka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Salaasa ah si rasmi ah uga furmay magaalada NewYork ee dalka Maraykanka.

Shirkan oo noqonaya kii 74-aad ee ay isugu yimaadaan madaxda caalamku ayaa la filayaa in arimo muhiim u ah guud ahaan nabaadda iyo horumarka caalamka lagaga hadlo. Waa kulanka ugu wayn ee diblomaasidda iyo siyaasadda adduunka lagu lafo-guro.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Gutteres ayaa furi doona shirka waxaana xigi doona in madaxda caalamku ay hadalo halkaas ka jeediyaan. Wadamada Brazil,Maraykanka, Masar, Turkey, Nigeria, Maldives, Qatar, Switzerland, Croatia, Bolivia, Jordan, South Korea, Burkina Faso, France, Chile, Bosnia iyo Herzegovina ayaa galinka hore ee maanta ay madaxdoodu hadli doontaa. Halkan galinka danbee ee isla maantana ay khudbado jeedin doonaan madaxda wadamada kala ah Angola, Portugal, Rwanda, Finland, Monaco, Niger, Netherlands, Argentina, Latvia, Slovakia, Kazakhstan, Poland, Marshall Islands, Lichtenstein, Peru, Senegal, Italy, Spain, New Zealand, Japan, United Kingdom, iyo Morocco.

Arimaha ugu muhiimsan ee laga hadli doono waxaa ka mid ah xiisadda gobolka Bariga Dhexe, arimaha cimilada iyo ka-bixitaanka Ingiriiska ee Midawga Yurub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga