Doorashada kuraas ka mid ah kuwa Golaha Shacabka ayaa maanta ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, halkaa soo ay ka bilaabantay doorashada Golaha Shacabku.

Gudida doorashooyinka ee Galmudug ayaa dhammaystiray hawlaha diwaan galinta iyo diayar garowga kalaba, sida ay ku xuseen war ay soos aareen.

Kuraasta maanta lagu tartamayo ayaa ah; HOP 26 iyo HOP 104, kursiga koowaad ee HOP 26 waxaa hore ugu fadhiday Ikraan Aadan Absuge, kursiga labaad ee HOP 104, isna waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Qorshaha ayaa ah in ka hor dhammaadka sanadkan 2021 la dhammaystiro hawlaha doorashooyinka ee golaha shacabka, kadibna la gudo galo doorashada madaxtinimada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga