Taiwan waxay markii ugu horaysay muddo sanado ah badinaysaa ciidamda ay qaadanayso ee la tababarayo, kadib cabsi xoogan oo soo wajahday jasiiraddan yar ee Shiinaha ay is hayaan.

Cadaadisyada kaga imanaya Shiinaha ayaa sii kordhaya iyadoo laga cabsi qabo in Shiinuhu uu awood u adeegsado Taywan si uu maamulkiisa ugu soo daro, meeshana uga saaro in Maraykanku uu helo dawlad gabbaad u ah oo Shiinaha kulaalaysa.

War kasoo baxay dawladda Taywan waxa lagu xusay in taywan ay kordhinayso ciidamadeeda kaydka si loo gaadhsiin karo heer ay iska difaaci karaan weerar ka yimaada Shiinaha oo ah dalka haysta milatariga ugu tirada badan dunida.

Maraykanku wuxuu hore u sheegay in aanu si toos ah dagaalka ugu biirahayn balse uu taywan ku hubayn doono awood kasta oo ay isku diafaaci karto uguna babac dhigi karto quwadda ballaadhan ee Shiinaha.

Sanadkii 2020, hub lagu qiimeeyay $5 billion ayuu Maraykanku Taywan siiyay halka ay weli dalbanayso $9 billion oo heshiisyo dhanka hubka ah shanta sanno ee soo socota.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga