Magdalena Andersson waxay is casishay saacado kadib markii la doortay.

Waa raysalwasaarihii ugu horeeyay ee haween ah ee Swden ay yeelato, balse taariikhda cusub ee ay dhigtay kadib waxay ku dhawaaqday warka is casilaadeeda.

Waa tallaabo timi kadib markii dawladda ay ka baxeen xulafadeedu, isla markaana ay miisaaniyadeedu ku guul daraysatay in la meel mariyo.

Baarlamanku waxay door bideen misaaniyadda ay soo jeediyeen mucaaradku, taas oo ay ku jirto miisaaniyadda ka dhanka ah muhaajiriinta Sweden beegsata, waana siyaasadaha midigta fog.

“Waxaan u sheegay gudoomiyaha baarlamaanka in aan jecelahay in aan is casilo” ayay tidhi Magdalena Andersson.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga