Illaa 8 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay halka kumanaan kalana ay ku barakaceen rabshado ka bilaabmay xeryaha qaxootiga ee dadka Rohingya ee dalka Bangladesh.

Booliska deegaanka iyo kooxaha gargaarka ayaa sheegay in kooxo hubaysan oo maafiya ahi ay ku dagaalamayeen gudaha xeryaha qaxootiga maalmihii lasoo dhaafay, taas oo keentay in kumanaan qof oo markii horeba qaxooti ahaa ay guryahooda ka cararaan.

Kooxaha maafiyada ah ayaa ku hardamayay gacan-ku-haysashada xeryaha qaxootiga iyo cida ariminaysa. 12 qof ayay u xidheen ciidamdaa ammaanku dhacdada.

Saraakiisha Bangladesh ayay kooxaha u dooda xuquuqda aadanuhu ku eedeeyeen in aanay xil iska saarin ammaanka dadka qaxootiga ah ee Rohingya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga