Guddida Is-waafajinta Xeerarka Doorashooyinka ayaa sheegay inay maalmaha soo socda ay soo gabagabayn doonaan hawlaha shaqo ee loo xil-saaray, waxayna sidaas ku sheegeen qoraal ay maanta soo saareen, kaas oo u dhignaa sidan;
“Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland oo weli ku guda jira hawlihii shaqo ay gacanta ku hayeen ka dib markii todobaadkii la soo dhaafay ay soo gabo-gabeeyeen 16 kulan wada-tashi oo ay 16 hay’addood kala duwan la yeesheen, ayaa maalintii Sabtida 16 September guda-galay wejigii labaad qorsha-hawleedkooda oo ah falanqaynta iyo naaqishidda xeerarka oo ku salaynayaan waxyaabihii uga soo baxay kulamadii hay’addihii ay la kulmeen.
Fadhiyadii Sabtidii, Axaddii iyo maanta oo uu shir-gudoominayay Guddoomiyaha Gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), waxay bilaabeen iskugurka, naaqishidda iyo ka doodidda Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo kulankii maanta Guddida kala qayb-galay ayaa Gudidda ku ammaanay sida xil-kasnimada leh ee ay hadh iyo habeen u shaqaynayaan, wuxuuna ugu duceeyay in hawsha Illaahay u fududweyo, isagoo ugu dambeyn ku booriyay inay hawsha dedejiyaan oo sida ugu dhakhso badan Golewaynaha ugu soo celiyaan si uu waajibaadkiisa uga guto.
Haddaba, Gudiddu waxay Fadhiyadii Sabtidii iyo Axaddii ka dooddeen Xeerka Doorashooyinka Guud Xeer Lr. 91/2020 iyagoo falanqayntooda ku salaynaya wixii uga soo baxay kulamadii wada-tashi, halka Fadhigii saakana guda-galeen Xeerka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer Lr. 14/2011, Xeerarkaas oo gabo-gabo ku dhaw Waxa u qorshaysan inay fadhiyada soo socda ay soo gabo-gabeeyaan hawsha Xeerarkaas oo ay saxal tireen، wixii gal-daloolooyin ku jirayna ka saxay, isla markaana waafajiyeen oo ay ku saleeyeen baahiyaha doorasho ee taagan si doorashooyin hufan oo wanaagsan inoogu dhacaan,” ayaa lagu yidhi qoraalkan ka soo baxay Guddida Golaha Wakiilladu u saaray Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Somaliland.