Dibad baxyada Sudan ayaa mar kale kordhay iyadoo todobaadkii labaad ee xidhiidh ah ay dibad baxayaal cadhaysani socod ku tageen qasriga madaxtooyada Sudan ee magaalada Kharduum.

Khadka internetka ee magaalada Kharduum ayay dawladdu jartay iyadoo isku dayaysa in ay xakamayso dibad baxayada sii kordhaya ee dalkaas.

Booliska magaalada caasimadda ah ayaa la arkayay iyagoo adeegsanaya sunta dadka ka ilmaysiisa si ay u kala diraan dibad baxayaasha.

Dibad baxyada cusub waxay galeen maalintii 10-aad oo xidhiidh ah iyagoo dadku dalbanaya in labada dhinac ee talada isku wareejiyayba ay meesha baneeyaan. Waa milatariga iyo xukuumadda raysalwasaare Cabdallah Xamdook.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga