1,500 oo dulimaad ayaa la joojiyay Axadda maanta guud ahaan dunida iyadoo la filayo in duulimaadyo kalana la xanibo maalmaha soo socda.

5,900 oo dulimaad ayaa sidoo kale la hakiyay habeenka iyo maalinta ku xigta mudada ay ku beegantaay debaal degga ciidda masiixiga.

Waa tallaabooyin ay dawladuhu kaga hor tagayaan fiditaanka caabuqa Covid-19 noociisa loo bixiyay Omicron, taas oo dadku ay ka dhago adaygeen in ay qaataan fariimaha taxadarka iyo badbaada.

Wadamada uu saamaynta wayn ku yeeshay duulimaadyada la joojiyay waa Shiinaha iyo Maraykanka oo kumanaan qof oo rabay in ay meelo kala duwan u socdaalaan laga hor istaagay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga