Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu waday maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa baaqday, sida SAAB TV ay u xaqiijiyeen ilo ku dhaw dhaw shirku.

Shirkan ayaa lagaga hadli lahaa arimaha geedi socodka doorashada iyo dhammaystirka doorashooyinka.

Illaa imika lama oga sababta dhabta ah ee keentay in shirkani uu baaqdo.

Xogaha qaar ayaa sheegaya in baaqashada shirku xidhiidh la leedahay khilaafka cusub ee madaxweynaha iyo raysalwasaaraha, xili hore madaxweyne Deni uu u codsaday in muddo todobaad ah dib loo dhigo shirka si uu xal ugu helo xiisadda Boosaaso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga