Midawga Murashaxiinta Madaxtinimada ee dalka Soomaaliya ayaa dawladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ka fogaato carqaladaynta dibad bax ay ku baaqeen oo la filayo in maalinta Jimacaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Daahir Maxamuud Geele oo ah murashax u hadlay Midawga Murashaxiinta ayaa ugu baaqay taliyayaasha kala duwan ee ciidamada in ay ka qayb qataaan sugida amniga dadka dbad-baxa dhigaya, kana fogaadaan carqaladaynta dibad-baxa.

Midawga Murashaxiinta aya sheegay in ay ogaadeen in xukuumadda federaalku ay wado qorshe ay isku hor taagayso isu-soo-bax ay ku baaqeen Murashaxiintu, kaas oo ka dhan ah madaxweynaha xiligiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga