Donald Trump ayaa hore u diiday isagoo is-hortaag ku sameeyay in ay madax ka noqoto ururka caalamiga ah ee ganacsiga dunida loona yaqaano World Trade Organisation, WTO.

Ngozi Okonjo-Iweala, wasiirkii hore ee maaliyadda dalka Nigeria, ayaa loo doortay in ay noqoto shakhsiga hogaamin doona ururka WTO, taas oo ka dhigasa qofkii ugu horeeyay ee madaw ah ee jagadan qabta iyo haweenaydii ugu horaysay ee Afrikaan ah. Waxay tegi doontaa Geneva oo xarun u ah ururka, iyadoo la shaqayn doonta madax rag caddaan, lacag haysta u badan.

Maamulkii trump ayaa ku eedeeyay in aanay ganacsiga khibrad u lahayn iyagoo taageeray qofkii la tartamayay oo kasoo jeeday Koonfurta Kuuriya. Eedaymahaas way diiday waxaanay sheegtay in ay khibrad badan u leedahay ganacsiga iyo dhaqaalaha guud ahaan.

Ngozi waxay baratay dhaqaalaha horumarinta iyadoo ka qalin-jabisay jaamacadda Hadvard.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga