Sudan waxay ciidamada Itooboya ku eedaysay in ay sii hurinayaan xiisadda u dhaxaysa labada waddan ee jaarka ah.

Xukuumadda Khartuum waxay sheegtay in ciidamada Itoobiya ay soo galeen deegaano ka tirsan gudaha dalka Sudan.

Wali ma jiro war kasoo baxay dhanka dawladda Itoobiya oo ka jawaabaya eedaymaha dawladda Sudan.

Maalintii Sabtida afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya wuxuu warbaahinta u sheegay in uu Sudan ugu baaqayo wax uu ku sheegay barakicinta shacabka Itoobiya.

Dabayaaqada sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2020 ayay ciidamada labada waddan ku dagaalameen deegaanada xadka ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Sudan.
Deegaanada ay ku muransanyihiin labada waddan oo mid waliba uu sheeganayo lahaanshahooda, waa deegaano qani ku ah beeraha kuwaas oo ay degaan dad Itoobiyaan ah balse Sudan ayaa leh waa gudaha dhulkayga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga