Dhimashada ayaa korodhay kadib markii weerar qarax oo la adeegsaday uu ka dhacay gobol dhaca koonfurta dalka Afkaanistaan, halkaas oo kooxo is diidani ay ku suganyihiin.

Illaa 11 qof ayaa hadda la xaqiijiyay dhimashadooda kadib markii bas wado marayay lala eegtay qaraxa, waxa ku warantay wasaaradda arimaha gudaha ee dalkan dhaca koonfurta qaaradda Asia.

Qaraxa ayaa dhacay goor dane oo ahady habeenimadii Axadda, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha gobolka Zabul.

Waxa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay dad kale oo lagu qiyaasay 25 qof, oo dhammaantood ahaa dad shacab ah oo ku socdaalayay baska iyo kuwo ka agdhawaa.

Weli ma jirto koox sheegatay masuuliyadda weerarkan shacabka badan lagu waxyeeleeyay, balse kooxda Daalibaan oo aalaaba iyadu weerarada ugu badan ka fulisa gudaha Afkaanistaan ayaa sheegtay in ay saddex maalmood xabbad joojin samaynaso kadib munaasibadda Ciida oo inaguu fool leh labada ama saddexda maalmood ee soo socda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga