Dhaawaca ayaa badanaya iyadoo ay sii kordheen isku dhacyada u dhaxeeya ciidamada Israel iyo Falastiiniyiin aan hubaysnayn oo ku cibaadaysanayay masaajidka barakaysan ee alAqsa.

Falastiiniyiinta qaar ayaa dibad bax ka dhigayay goobta iyagoo ciidamada Israel diiday, isla markaana u adeegsaday hub kala duwan, iyagoo jidh dilay dad abdan.

Hareeraha masaajidka barakaysan ee alAqsa ayaa lagu arkayay iyagoo ciidamada Israel ay rasaasta caaga ah, sun iyo walaxo kale u adeegsanaya Falastiiniyiinta si ay u kala diraan.

Falastiiniyinta ayaa adeegsanayay dhagxan ay kala hor tagayeen ciidamada Israel.

Isku dhacyada ayaa bilaabmay maalintii Jimcaha iyadoo illaa hadda dad ku dhaw 300 oo qof oo Falastiiniyiin aan hubaysnayn ah lagu dhaawacay.

Falastiiniyiinta ayaa diidan dhul ay rabto in ay Israel xoog kula wareegto oo gudaha Qudus ah.

Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Maraykanka, iyo Ruushka ayaa intuba sheegay in ay ka walacsanyihiin xiisadda cusub ee ka taagan Qudus.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga