Ciidamada Israa’iiliyiinta ayaa wada duqaymaha ay ka fulinayaan magaalada Qudus ee dhulka Falastiin, waxaa kor usii kacaysa tirada dadka dhimanaya oo ah u badan rayid sida warbaahinta caalamku sheegayso, guryo burbursan ayaa isku fadhiisanayay iyadoo kamarada adduunku toos u hayaan.

Kooxda Xamaas ayaa sheegtay inay weerarro ku garaacday caasimadda Israa’iil ee Telaviv, raysal-wasaaraha Israa’iil oo hadlay wuxuu sheegay inay Israa’iil is difaaci doonto, isla markaana ay ka shallayn doonaan weerarrada gantaalaha ah ee lagu soo garaacay Israa’iil.

Wasiirka difaaca Israa’iil wuxuu sheegay inay wadayaan waxa uu ku tilmaamay is difaacidda Israa’iil.

Bulshada caalamka ayaa ku baaqaysa in xiisadda la dejiyo, waxaana weerarrada kooxda Xamaas galaafteen mid kamid ah dhuumaha shidaalka Israa’iil, iyadoo tirada gantaalaha ay Xamaas ku garaacday Israa’iilna dhamaayeen 130 gantaal, oo cabsi ku riday magaalada Caasimadda ah, Telaviv ayaa cabsi darteed waxaa qayliyay siidhiga cabsida, waxaanay si wayn loola yaabay isbedelka istaraatijiyadda dagaalka Xamaaas

Maraykanka, wasiirrada arrimaha dibadda dalalka midowga Yurub ayaa diraya baaqyo ay ku damacsan yihiin sidii loo joojin lahaa xiisadda cusubnoonaatay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga